Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Biriijka Dooxa Dacar-budhuq

Dacar-budhuq-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray Biriij-ka Dooxa Degmada Dacar-budhuq oo ahaa doox galaaftay nafo badan oo muwaadiniin ah, dhismihiisana ay Somaliland ka caawisay Dawladda Imaaraadka Carabtu.
Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay biriijka dacar-budhuq oo ay madaxweynaha kala soo qaybgaleen, masuuliyiin uu hoggaaminayo safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Abdalla Alnaqbi, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay wehelinayaan agaasimaha wasaaradda, maareeyaha hay’adda wadooyinka guddoomiyaha Guddida mashruuca Berbera Corridor, iyo madax badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, maayarka Caasimada Hargeysa, maareeyaha dekedaha Somaliland, qaar ka mida taliyeyaasha Ciidamada, salaadiin, siyaasiyiin, waayeel, aqoonyahan iyo bulshada ku dhaqan degmada Dacar-budhuq.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay ay ka mid ahaayeen, Cabdirisaaq Suldaan oo ka socda hay’adda gacanta ku haysa dhismaha wadada berbera Coridor, Eng Yuusuf Ciise Xamari, gudoomiyaha guddida Berbera Corridor, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Amb Abdalla Alnaqbi safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland iyo maayarka Caasimada Hargeysa oo dhammaantood dul istaagay muhiimada ay biriijyadani u leeyihiin bulshada iyo dalka, wakhtiyada roobabkana lagaga badbaadidoono dhibaatadii hore uga soo gaadhijirtay kumanaan ka mida dadka isaga gooshaya gobolada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isna madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horayn ba u mahadnaqay Dawladda Imaaraadka Carabta waxaana uu yidhi “Waxaynu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoo hirgelisay mashaariic badan oo aynu in badan usoo joognay midha-dhalkeedii ballamihii ay u qaadeen inay ku taageeraan Somaliland oo Dekeda, Airport iyo Waddadani ka mid yihiin oo runtii ah mucaawino walaaleed oo aan deyna ahayn dulsaarna lahayn intooda badani, Shirkada dhisaysa Dekedu waa shirkad baayac-mushtar ah oo aynu wada galnay heshiis baayac-mushtar, laakiin hawsha Garoonka iyo Waddadan waxaa inagu caawiyey Dawladda Imaaraadka Carabta, dawladdaasi dadka way inooga suntantahay oo dadkooduna waa inooga dhawyihiin kuwa kale, Somaliland iyo dadkeeduna abaalka way guddaan”.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u mahad celiyey marti sharafta kasoo qeybgashay munaasibada iyo dadkii dedaalka badan geliyey sidii uu u hirgeli lahaa mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadka Carabku ka caasiway Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa Madaxweynaha “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa marti sharafta halkan joogta dhammaantood ee xaflada kasoo qeyb galay , waxaan jecelahay inaan maanta labada nin oo halkan fadhiya aad ugu mahad naqo oo dadkii hawshan iyo tabaabushahan berigii la joogay hawl badan ka geystay ahaa, waana Xildhibaankii hore ee Degmadan Axmed Wayso Cadde iyo maareeyihii hore ee Dekada Berbera inta badan hayey Cali Xoor Xoor”.

Dhanka kale Madaxweynuhu waxa uu shacabka Somailand u sheegay inay taageeraan horumarka Dawladdu waddo” Dadweynaha Somaliland waxaan u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan marka mashruuc la wado horumar ah ee la keeno waxa laga doonayaa inanu is garab taagno, caqli maaha annigu mahayo Tamar aan wax ku dhisto, tamar aan macdan ku qoto, tamar aan shiidaal kula soo baxo, tamar aan mashaariic waa weyn ku qabto haddana kii laykeenaba waan is hortaagayaa oo annaa ka talinaaya oo teydaa la yeelayaa , Dastuurku wuxuu leeyahay khyeraadka iyo maamulkiisa qaranka Somaliland baa leh, qarankuna wuxuu u igmaday dawladda , dawladdu wixii ay keento waa in la qaataa oo lays maqlaa markaas baynu horumaranaynaa”.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Dooxa Dacar-budhuq uu qaaday dad badan oo ku nafwaayey dooxaasi “Dooxan wixii ka dhici jiray waa la sheegay 50-qof buu isheegay gudoomiyaha Degmadu intuu ogyahay isagu ee dooxaa uu daad ku qaaday, kontonkaa waxaa kamid ahaa Suldaan Barre waxaa kamid ahaa Nuux oo ahaa sarkaal ciidamadii aanu isku wakhtiga ahayn Canada ka yimi fasax ku joogay maanta waa Ilaahay mahadii walaaladii inaga caawiyey inaan biriijkaa dhisno”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Dalka ay ka jirto Abaar kulul islamarkaana dawalddu ay gashay dedaal badan oo dhanka biyaha ah waxaana uu yidhi “Walaalayaal dalkan waxaa ka jirta Abaar kulul sidii Ilaahay looga bartay Todob ayaa bilaabmaya 50-habeen ka bacdi baa Roob kii la filayaa, dalka dhammaantii inta badan waxa ka jira biyo la’aan, weli waxaynu ku ladanahay Xooluhu daaqii way haystaan oo wali may liicin, sida dadka qaarkii wax uga tebinayaan Saxaafadda maaha , belaayo aan Ilaahay kuu keenin in loo yeedho maaha, Dhibaatada taagnayd labadii bilood ee lasoo dhaafay iyo konton kaa habeen ee inoo hadhay waa biyo la’aan biyahaana intii hore dawladda ayaa wadday haddana waxaa kusoo biiray inta aan oggahay saddex ganacsade oo mid waliba bixiyey 1000-booyadood ballan qaadayna inay wadayaan inta biyo la’aantaasi jirto”.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay inaan ganacsatada badankoodu aanay ka qeyb qaadan Xaaladaha lasoo gudboonaada dalka waxaanu yidhi ” Waxaa laga yaaba inaan ganacsatadu badankeedu aanay ka qeybgelin dhibaatooyinka dalka ka dhaca afar qof baa lagu eegaa taasina xaq maaha, waxaan hubaa Xoolaha Somaliland hayso hadday isu gurmato in aynaan u baahnayn baryo bani-aadam, waxaan usoo jeedinayaa Ganacsatada, qurba-jooga iyo qofkii wax hayaba in markay dhibaato jirto uu ka qeyb qaato uma baahnin baryo, hadda dawladdu waxay ku dedaashay labadii bilood ee ugu danbaysay 45-Ceel baa la kiciyey kuwii hore ee socday mooyaane, Maanta adduunka waxa ka dhacaya waad ogtihiin, dagaal baa ka dhacay adduunka oo dhan saameeyey dawladihii waa weynaa way kala uruursadeen nin waliba wixiisi wuu xaraystay inay ciidamada isu uruursadeena waad ogtihiin, dhaqaalihii adduun maamuli jiray nin waliba wixiisi wuu ootay nin walowba maxaad tabcatay ayaa soo socota”.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay sii daayeen Shiidaalkii ganacsatadana waxa uu ugu baaqay inay shacabka ka jebiyaan qiimaha shidaalka “Imika dhibaatooyinka ina haysta waxaa kamida Shidaalkii, shidaalka imika waxbaanu ka bedelnay sharcigii hore waa inaynu helnaa keyd shidaal ganacsatadana waxaan ka codsanaynaa inay waxay hayaan keenaan, wixii jirana waanu isla eegaynaa waayo ganacsadaha waxaa laga rabaa inuu ku jaban oo aan Gaadiidka dilin uu keeno , maanta kii ugu horeeyey waa joogaa Dahabshiil baa leh wuu taagan yahay waanu soo daynaynaa kuwa kalena waan soo daynaynaa hadday keenaan inta abaarta lagu jiro iyagana waxaa laga rabaa inay shidaalka jebiyaan maadaama wax badan iyaga loo fudaydinaayo Dekada”.

Laamaha amniga iyo Wasaaradda Ganacsiga ayuu faray Madaxweynuhu inay tallaabo ka qaadaan ganacsatada dadka alaabaha ka xaraysta marka dhibaato timaado si ay ugu qaaliyeena “Waxaa jira ragg ka macaasha marka ay dadku dhibaataysan yihiin oo inta uu alaabta xaraysto dadka ku qaaliyeeya taasi Diintana waa ka mamnuuc dadnimadana waa ka mamnuuc, hay’addaha ku shaqada leh ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidamada Boolisku ka mid yihiin inay ilaaliyaan ka dadka ka xaraysanaaya marka ay dhibaataysan yihiin alaabta ee ku qaaliyeynaya talaabana laga qaado”.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan Bulshada Somaliland taasoo ah in dunidii uu dagaal ka socdo loona baahan yahay sidii looga gaashaaman lahaa “Somaliland waxaan u dirayaa fariinta ah waar dunidii dagaal baa ka socda bad xidhan baa soo socota nin waliba itaalkiisuu marayaa waxaynu u baahanahay inaynu dib isu eegno oo aynu nidhaahno maxaynu waxan kaga bixi karnaa oo raggu masuuliyada isa sii saaro oo aanay meel hoose ka fikerin, jaadkaa ka mida dhibaayiinka ina haysta inagoo waxaa ku jirta maalintii inta qaad inagaga baxda intaasoo hawla ayey inoo qaban lahayd waa se aafo laynagu darsaday malaa duco ayuun baa inaga saari karta iyo caruurteena oo aynu kala dardaarano inteena waa weyn wuu dishooday intuu inaga dilayna Ilaahay baa ogg”.

Wa-bilaahi Tawfiiq