Golaha Deegaanka Degmadda Gabiley oo La Wareegay Maamulka Biyaha ee Magaaladda Gabiley

Gabiley – (warsoor) – Golaha deegaanka ee degmadda Gabiley ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay maamulka biyaha ee degmadda Gabiley ka dib markii maalmihii u dambeeyey uu khilaaf soo kala dhex galay shirkaddii maamulaysay iyo dadka deegaanka.

Guddida fulinta ee golaha deegaanka Gabiley oo maanta shir degdega yeeshay ayaa ka hadlay khilaafka dhawaan soo kala dhex galay shirkadda maamuli jirtay biyaha degmadda ee ZAMZAM iyo mulkiilayaasha ceelasha biyaha ee degmadda.

Guddida Fulinta ee golaha Deegaanka Gabiley ayaan go’aan ku gaadhay inay la wareegaan maamulka wakaaladda biyaha ee degmadda Gabiley, waxaanay maanta shir jaraa’id oo ay qabteen ku shaaciyeen inay la wareegeen maamulka biyaha ee degmadda Gabiley.

Halka ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay Channel-ka ayaanle xaaji:

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.