Ganacsade Caana Oo Caawa Lagu Khaarjaiyey Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo – (warsoor) – Waxaa caawa dil qorshaysan lagu khaariyey nin ganacsadde caan ka ah magaaladda Gaal-kacyo. Weerarkan ayaa ka dhacay markii laga soo baxay Salaada Maqrib. Nin ganacsadda ah oo lagu magacaabo Eng. Cumar Cabdale.

Wararka ka soo baxay magaaladda Gaalkacyo ayaa sheegaya in weerarkan khaarajinta ah ay gaysteen niman wajiga soo duubtay oo ku hubaysnaa baastooladda, waxaanay isla markii ay hawl-galka fuliyeen ay ka cararen goobta ay ku khaarajiyeen ganacsadda.

ganacsadde_la_dilay

Ganacasadde Eng. Cumar Cabdilaahi (Cumer Dheere) ayaa ahaa Guddoomiyaha Guddiga ganacsatada ee gobolka mudug waxa uu sidoo kale Xubin Sare kahayay guddiga dhismaha wadada wadaagsin.

Ciidamada amaanka ee maamul goboleedka Galmudug ayaa wali wadda baadhitaano ay ku raad-gurayaan gacan ku dhiiglayaashi geestay falka khaarajinta ah, ilaa hadda ma cid si gaar ah u qiranaysa dilkan qorshaysan ee lagu khaarajiyey Ganacasadde Eng. Cumar Dheere.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.