Gabadha ku guulaysatay biladda nabadda ee Nobel Peace Prize Malala Yousafzai oo la guursaday

UK – (WARSOOR) – Gabadha ku guulaysatay biladda nabadda ee Nobel Peace Prize Malala Yousafzai ayay is guursadeen lammaaneheeda cusub, kadib xaflad Islaami ah oo ka dhacday Birmingham.

Ninkeeda ayaa lagu magacaabaa Casayr Maalik.

Gabadhan 24 jirka ah una dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka ayaa sheegtay in ay u tahay “maalin qaali ah”.

Malala ayaa mar sii horreysay oo ay bixisay wareysi, waxay Guurka ka tidhi; “Weli ma fahmin sababta ay dadku u guursadaan.”

“Haddii aad rabto in aad qof yeelato noloshaada, maxaad u leedahay inaad u saxeexdo waraaqaha guurka, waxaad keliya la noqon kartaa shuraako?” Ayay hadalkeeda sii raacisay.

Warka xafladda Guurkeeda ayaa tobanaan kun oo jeer taageerayaasheeda bogagga bulshadu u rajeeyeen lammaanahan wanaag.

Xigasho: BBC