Guddoomiyaha Maxkamada Sare JFS oo la kulmay dhigiisa Dalka Ruwanda

Muqdisho – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamada Sare JFS ayaa maanta kula kulmay Magaaladda Kigali ee Dalka Rwanda dhigiisa Maxkamadda Sare ee Rwanda, labada Guddoomiye ayaa ka wada hadlay kobcinta xidhiidhka labada Garsoor iyo waddaaga waayo-aragnimada shaqo ee labada dal.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaliya iyo wafti culus oo uu hoggaaminayo ayaa inta ay booqashada shaqo ku joogaan dalka Rwanda waxay kulammo kala duwan kula qaadan doonaan Hay’addo iyo madax kale oo ka tirsan dalka Rwanda,waftiga ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Rwanda uga mahadceliyey soo dhoweynta qiimaha leh ee uu u sameeyey waftiga ka socday Garsoorka Dowladda Soomaliya.