Wasaaradda Shaqo-Gelinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Oo Daahfurtay Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ee Somaliland oo kaashanaysa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacy’gelinta qaranka ayaa daahfurtay barnaamijka xeerka shaqaalaha rayidka ah ee xeer No 31\2020, kaas oo ka bixi doona warbaahinta dawladda.

Munaasibad koobaan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo weycigelinta ayaa waxa kasoo qayb galay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha shaqogelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weycigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda warfaafinta iyo shaqogelinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana uu sheegay in wasaarad ahaan ay ku faraxsan yihiin inay kasoo shaqeeyeen xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland, kaasoo laga baahin doono warbaahinta dawladda.

Agaasimuhu waxa uu uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta faafinta barnaamijka xeerka shaqaalaha rayidka ah, oo uu tilmaamay inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh wasaaradda shaqogelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska iyo guud ahaan Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay xil iska saari doonaan baahinta barnaamijka xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland, isagoo ku bogaadiyay Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska inay barnaamijkaasi ka baahiso wasaaradda qaranka u qaabilsan faafinta iyo hanuuninta dadweynaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Deeq Cabdi Yuusuf oo iyana goobta ka hadashay ayaa sheegtay in wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan xeerkan cusub ee ay qortay Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyadoo tilmaantay in xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland uu u hiilanayo guud ahaan bulshada Somaliland.

Qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Weycigelinta ayaa iyana ballanqaaday in barnaamijkaasi ay faafin doonaan isla markaana ay gaadhsiin doonaan bulshada, iyagoo xusay in mas’uuliyad gaar ah ay iska saari doonaan sidii barnaamijka xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland uu u gaadhi lahaa guud ahaan shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland.