Erdogan oo geli doona Xalinta Colaada Gobalka Tigrayga

TURKIGA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa uu shaaciyey inuu taageero dhexdhexaadin ka geyaanayo sidii loo soo af-jari lahaa Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.

Erdogan waxa uu arrinkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ku qabteen magaalladda Ankara, kadib, markii ay yeesheen Kulan Khaas ah.

Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay Nabadda iyo Isdhexgalka muhiim tahay, isagoo dhanka kale ka digay haddii ay xaallada Gobalka Tigrayga sii darto inay waxyeellada saamayn doonto dhamaan dalalka deriska.

“Ka Turki ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan samayno qaaraan kasta oo lagu xalinayo Mashaakilka Gobalka Tigrayga, oo ay ku jirto Dhexdhexaadinta” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.

Dhanka kale, Dowladdaha Turkiga iyo Sudan waxaa ka dhexeeya Xiriir saaxiibtinimo, waxayna Labada Hoggaamiye isku dhaceen in la xoojiyo Iskaashigoda Dhaqaale iyo Ganacsi.

Abiy Ahmed waxaa uu sheegay in Xiriirka labada dal ku dhisan yahay Xushmad iyo Rabitaan, balse, labada Hoggaamiye ma shaacinin wax ku Aadan Heshiiska ay wada gaareen.

Waqooyiga Ethiopia waxaa wiiqay colaad soo bilaabantay bishii November ee sanadkii hore ee 2020-kii, kadib, markii uu RW Abiy Ahmed ciiddamo u diray Gobalka Tigrayga oo uu ka dhisnaa Maamul hoos tags Xibigii TPLF.

Tobanaan kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalka, kuwaasi oo Magan galay Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla Gudaha dalka Sudan halka ay 400,000 oo kalena ku macluulsan yihiin Gobalka Tigrayga.