Toni Kroos Oo Sheegay Sida Uu Lionel Messi U Caawin Doono Real Madrid Kadib Markii Uu Ka Tagay PSG

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa sheegay in ku biirista PSG ee Lionel Messi in ay kooxdiisa laba qaab u caawin karto taas oo ah in ay diciifinayso Barcelona sidoo kale ka caawin karto in ay helaan Kylian Mbappe.

Xiddiga khadka dhexe ayaa rumaysan in ku biirista Messi in ay Real Madrid ka caawin doonto in ay helaan saxiixa Mbappe kaas oo ay Real Madrid aad u doonayso saxiixiisa.

“Waxa laga yaabaa in ay sidoo kale noo fiicantahay anaga sababta oo ah waxa aykeeni karaa in uu Mbappe ku soo biiro Madrid”.

“Isku soo wada duuboo ka tagista Lionel Messi anaga waxa ay noo noqon doontaa faa’iido dhinac walba oo ay u dhacdo”ayuu sii raaciyay.