Khilaaf Xoog Leh Oo Ka Dhex Aloosan Shir-gudoonka Wakiillada Iyo Arrimaha La Isku Haysto

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shir-guddoonka golaha wakiillada cusub ee Somaliland ayaa wararku sheegayaan in durba khilaaf hoose soo kala dhex galay kaasi oo salka ku haya dhawr arrimood oo ay ku kala aragti duwan yihiin halka dhinaca kale saluug weyni ka taagan yahay qaabka ay illaa hadda u soo shaqo tagayaan golaha wakiilladu oo u muuqda mid cago jiid ah.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey Khilaaf xooggan oo hoose oo soo kala dhex galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Ku xigeenkiisa koowaad Md. Siciid Mire Faarax Giirre, waxaanay xogtani sheegaysaa in goobaha ugu muhiimsan ee labadan masuul isku maan-dhaafsan yihiin ay ka mid yihiin baddalaadda Xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo xubno badan oo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ahi qaarkood doonayaan in xilka laga qaado, xoghaye cusubna lagu baddalo iyo waliba shir-guddoonka qaar oo arrintaasi qaba, halka sidoo kale uu jiro khilaaf ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka xeer-hoosaadka ee Golaha oo jaangoyn weyn ku leh awoodaha xubnaha shirguddoonka iyada oo Wax-ka-baddelkii Xeer hoosaadka ay soo gunaanadeen mudanayaashii loo saaray dhawaan.

Inkasta oo dhawaan Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu sheegay in uu si walba isugu dayi doono in ay wada shaqayn wanaagsan yeelan doonaan saddexda xubnood ee shir-guddoonka wakiilladu haddana waxa soo baxaya qodobo kuwaasi ka mid yihiin oo isaga iyo ku xigeenkiisu isku maan-dhaafsan yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Md. Siciid Mire Faarax Giirre oo ka soo baxay xisbiga UCID ayay xogahani sheegayaan in uu ku doodayo in uu haysto taageerada 41 Xildhibaan sidaa darteed Guddi hoosaadyada Golaha ee dhawaan la dhisi doono uu doonayo in u qaybtiisa qaato oo aanu kaliya Guddoomiyuhu iska maamulan iyada oo sidoo kalena xildhibaanno badani Guddoomiye Cabdirisaaq ku eedaynayaan guddoon jileec in aanu hanan karayn kala qaybsanaanta Golaha.

Wax ka baddalka iyo kaabista Golahan cusubi ku samaynayo Xeer-hoosaadka Golaha wakiillada ayaa khilaaf weyni ka taagan yahay iyada oo xildhibaannada Muxaafadka ahi doonayaan in xeerkaasi lagu dhimo awoodaha Guddoomiyaha taasi oo ay gaashaan bir ah doonayaan in ay kaga hor tagaan kuwa kale ee Mucaaridka ahi waana mid ka mid ah goobaha khilaafka shir-guddoonka hurinaya.

Marka laga yimaad axsaabta ay Xildhibaanadu u kala qaybsan yihiin waxa haddana soo if baxaya is kooxaysi kale oo ku dhisan deegaamo iyada oo xildhibaannada qaar ka soo jeeda Gobolada barigu ku doonayaan in deegaankooda la siiyo xoghayaha guud ee Golaha Wakiillada maadaama ay aqlabiyadda Golaha deegaankoodu yahay.  Waxa kale oo hadal haynta ugu badani ka taagan tahay maqnaanshaha xildhibaanno badan iyada oo celcelis ahaan fadhiyadii golaha ay maalin walba maqnaanayeen ku dhawaad 20 xildhibaan.

Isku soo duuboo illaa imika lama oga halka ay xaaladdani sal dhigi doonto iyo in golaha cusubi durba la kowsan doono khilaaf soo kala dhex gala shir-guddoonkiisa iyada oo walaac laga qabo in kala qaybsanaanta Goluhu keeni karto in ay saamayn taban ku yeelato waxqabadka laga sugayo.