Codeynta wareeggii ugu dambeeyay oo socota

MUQDISHO – (WARSOOR) – Waxaa hadda billaabatay codeynta wareegga 3-aad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana isugu soo haray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib loolan adag oo dhacay wareeggii koowaad iyo labaad oo ay murashaxiin badan ku hareen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegga labaad uga soo gudbay codad gaaraya 110-cod, halka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 83-cod.

Halkan hoose ka eeg codadkii la kala halay wareeggii labaad.