Madaxweyne Farmaajo oo xilka ku wareejinaya Madaxweynihii xilka ku wareejiyay shan sano ka hor

MUQDISHO – (WARSOOR) – Waxaa soo gabagaboobay wareegii saddexaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayeen Labada Musharax ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada Musharax ayaa kala helay sida guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay codad kala gaaraya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 110 cod iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo isna helay 214 cod, Waxa uuna Xasan Sheekh Maxamuud sidaa ku noqonayaa Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota.

Doorashadaan oo ka xiiso badneyd kuwii hore ayaa soo bilaabatay duhurnimadii maanta, iyadoo tartanka uu ku bilowday 36 Musharax oo doonayay hogaaminta dalka. Afar Tartamayaal ayaa isugu soo haray wareegii labaad taa oo ugu danbeyn ku biyo shubatay in labo Musharax ay u soo gudbaan wareegga kama danbeysta ah ee Saddexaad.

Taariikhaha laga qorayo doorashadaan ayaa noqonaya in Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka ku wareejin doono Madaxweynihii ka horeeyay isaga ee xilka ku wareejiyay, waa Xasan Sheekh Maxamuud e.

Dunida ayaa inteeda badan u riyaaqda doorashooyinka Dimuquraaddiga ah ee Soomaaliya ka dhaca afartii sanaba mar, iyadoo si xor ah duniduna daawanayso ay u dhacdo doorashada