Afar Musharax oo U soo Gudbay Wareega 2aad ee Doorashada Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Afar ka mid ah soddon iyo sagaalkii musharrax ee u tartamayay xilka madaxweynaha Soomalaiya oo helay codadkii ugu badnaa ayaa u gudbay wareegga labaad ee doorashada, waxayna kala yihiin:

Sciid Cabdullahi Deni: 65

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo: 59

Xassan Sheih Maxamuud: 52

Xassan Cali Kheyre: 47

Laba ka mid ah afartaas musharrax ayaa la filayaa in ay u gudbi doonaan wareegga saddexaad ee doorashada.