Ciidanka amaanka Puntland oo Boosaaso ku qabtay rag oo lagu shakiyay Daacish iyo AL-shabab

Muqdisho – (warsoor) – Ciidamada ammaanka  Puntland oo howlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ee  gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex nin oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka argagixasada Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo shakiga laga in ay argagixso yihiin.

saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada looga hortagayo falalka amaan dari ee mararka qaar ka dhaca deegaanada Puntland.

Xigasho: Sonna