Wasiir maareeye oo qalabka looga hortago Coronavirus ku wareejiyay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (maareeye),ahna Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee Covid_19 ayaa qalabka looga hortago Coronavirus ku wareejiyay taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyee.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaliyeed  Ganeraal Cabdi Xasan  Maxamed Xijaar oo gudoomay qalabkaan oo isku jiray mid afka iyo sanka lagu daboosho iyo galoofiska gacmaha ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geeysatay dadaalka lagu keenay qalabkaan loo gaashaanto Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisaka XFS ,ahna Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee Covid_19 ayaa sheegay qalabkaan in loogu  talagay ciidanka booliska ee shaqada ku jira har iyo habeen si ay oga hortagaan cudurka in la qaadsiiyo ama ay dad qaadsiiyaan.

Xigasho: Sonna