Ciidamada Somaliland Ee Booliska Tabobar U Furay 50 Faras, Wax Soo Saarkooda Beeraha Ee Banka Wajaalena Soo Bandhigay

Wajaale – (warsoor) – Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa socdaal ku tegay degmada Wajaale, isaga oo kormeer ku tegay beeraha Ciidamada Booliska ee degmadaasi.

Taliyaha ayaa kormeer iyo indho indhayn ku tegay beeraha Ciidamada Booliska ee degmadaas oo waqtigan ay ciidamadu ka beereen dalagyo kala duwan oo ay kamid yihiin Tamaandho, Basal, Galay, Hadhuudh, Digir, Qamandi iyo khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) halkaas ka daah furay tabobar la siinaayo 50 farax oo gamaan ah, kuwaas oo loo carbinaayo ku shaqaynta ciidamada Booliska, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay laba xidigle Maxamed Cali  iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Tog Wajaale oo banka Wajaale kusoo dhoweeyey Taliyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Tog wajaale,waxaanu ka warbixiyey shaqada ay ciidamadu goobtaas ka hayaan ee dhinaca wax soo saarka ah, isaga oo ka sheekeeyey saacaddaha ay qoddeen dhul beereedkaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale ) oo isna goobtaas ka hadlay ayaa Taliyaha ciidamada Booliska ee banka Wajaale degan iyo ciidankiisaba  ugu hambalyeeyey wax qabadka weyn ee ay muujiyeen.

Waxa uu sidoo kale Taliyuhu sheegay in ay doonayaan inay kor u qaadi doonaan tabobarka Fardaha goobtan jooga, isla markaana ay Banka Wajaale ka dhigi doonaan saldhiga Fardaha ee ciidamada, waxaanu tilmaamay in ay macalimiin cusub oo tabobari doona Fardahan u diyaariyeen, una keenen, isla markaana tabobarkani socon doono saddex bilood oo la siin doono 20-ka faras ee ugu horeeya, wixii ka dambeeyana kuwa kale la tabobari doono.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey Cagafyo cusub oo ay ciidamadu lasoo degeen, kuwaas oo ay ku beeri doonaan beeraha banka Wajaale, waxaanu tilmaamay in qalabkani uu keeni doono isku filaasho dhinaca beeraha iyo qalabka ah, iyaga oo kaga maarmaaya Hadhuudhkii iyo Qamandigii  meelaha kale  looga keeni jiray .

Ugu dambayna Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu ciidamada kula dardaarmay in ay Alle ka cabsiga badiyaan, Ilaahayna ku xidhnaadaan.