Sheekh Dirir oo ka Hadlay Curashada Sannadka Cusub ee Hijriga iyo Qodobada uu U Xushay ka Faa’ideysiga Taariikhda Islaamka

Hargeysa (warsoor) Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay curashada sannadka cusub ee Islaamka, kaas oo uu qodobo kooban u xushay ka faa’ideysiga taariikhda islaamka, oo uu  sheegay in waxna lagaga faa’ideysan doono, noloshana lagu saxayo waxna lagu qiimeynayo.

“Walaalayaal sida aynu ogsoonahay waxaa bilaabmay sannad cusub oo ka mida sannadihi taariikhda Islaamka, kun iyo laba boqol iyo laba iyo afartan ayay mareysa Hinjirayadu waxaa aynu is dul taagi doona shan qodob oo aynu dib u eegayno waxna ka faa’ideysaneyno, nolosheenana ku saxeyno, waxna ku qiimeynayno”