Xukuumadda Somaliland Oo Mashaariicdii Ugu Waaweynayd Ka Fulinaysa Gobolka Hawd

Baligubadle – (warsoor) – Badhasaabka gobolka Hawd Eng Axmed Cige Maxamed oo gaadhey degmada Gumburaha ee gobolka Hawd ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmadaas.

Waxaana badhasaabka degmadaas loogu sameeyey munaasibad soo dhoweyn ah, taas oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ,Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ,Koomiishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalkanka Musuq Maasuqa , Guddoomiyaha garabka dhalinyaradda ee xisbul xaakimka KULMIYE ,Odayaal,Cuqal, Aqoonyahan ,Dhalinyaro, Haween iyo dadweynaha degmadaas Gumburaha.

Waxa ugu horeyn goobtaas ka hadlay maamulka degmada Gumburaha oo ka warbixiyey waxyaalihii u qabsoomay mudadii ay degmadaas xilkeeda hayeen, waxaanay goobtaas kusoo bandhigeen waxyaalaha aan weli u qabsoomin iyo halka ay u marayaan .

Guddoomiyaha Garabka dhalinyaradda ee xisbul xaakimka KULMIYE Cabdinajax Siyaad Awd Cabdi oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in uu rajeynaayo in badhasaabka cusub ee gobolka Hawd uu horumar balaadhan gaadhsiin doono gobolkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska,Guddoomiyaha Madbacaddaha Qaranka Somaliland , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha  iyo masuuliyiin kale oo goobtaas ka hadlay ayaa ka waramay waxyaalaha la filaayo in laga qabto gobolka Hawd, kuwaas oo  uu ku jiro garoon kubadda cagta ah oo laga dhisi doono gobolkas.

Gebo gebadii munaasibadan waxa ka hadlay Badhasaabka gobolka Hawd Axmed Cige Maxamed  iyo wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed , waxaanay sheegeen in toddobaadyadda soo socda laga fulin doono gobolka Hawd mashaariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan Garoon Kubadda Cagta ah oo laga dhisi doono magaaladda Baligubadle iyo sidoo kalena saddex Riig oo laga qodi doono ceelashooda degmooyinka Balicabane, degmada Baligubadle iyo degmada Sayla, kuwaas oo biyo macaan laga soo saari doono.