Biden oo ka dalbaday Israa’iil ilaalinta rayidka

MARAYKANKA -(WARSOOR) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Khamiistii in sii wadidda taageerada Mareykanka ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas inay go’aamin doonto sida Israel ay u qaadato tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool marinka Gaza iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee isku dayaya inay cunto u keenaan.

Maalmo ka dib markii ciidamada Israa’iil ay qaadeen duqeymo cirka ah oo ay ku dhinteen todoba shaqaale ah oo ka hawlgelayey hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ayaa Aqalka Cad wuxuu sheegay in wadahadal dhinaca khadka telefoonka ah oo dhexmaray Biden iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil, inuu u bayaamiyey, “inaan la aqbali karin, duqaymaha loo geysanayo shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo weliba xaaladda bini’aadanimo ee deegaanka ka jirta.”

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in Biden uu ka dalbaday Israa’iil inay la yimaaddaan tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah iyo “Xabbad joojin degdeg ah” si loo soo afjaro colaadda socota muddada lixda bilood ah.

Waxa uu si cad u sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan xaaladda Gaza lagu go’aamin doono qiimayntayada la xidhiidha tallaabooyinka degdegga ah ee ay Israa’iil qaado.

Isagoo ku sugan Brussels, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu u sheegay weriyayaasha, “Haddii aanaan arkin isbeddellada aan u baahannahay in la sameeyo, waxaa jiri doona isbeddello lagu sameeyo siyaasaddayada.”

Mar wax laga waydiiyay afhayeenka golaha amniga Qaranka John Kirby oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, in Maraykanku uu joojinayo kaalmada milatari ee uu siiyo Israa’iil, ayuu yidhi, “Ma doonayo in aan saadaaliyo go’aamo aan weli la gaarin, laakiin waxaa jira waxyaabo u baahan in la sameeyo. Dad badan ayaa la laayey.”

Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda Israa’iil oo ku saabsan dalabaadka Mareykanka.