Dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Horumarinta Tamarta

Dubai – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi iyo wefti uu hoggaaminyo ayaa safar shaqo ku tegay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo weftiga wasiirka si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane, Cadillaahi Faarax Cabdi iyo La-taliyihiisa Ibraahim Cali Yuusuf oo booqasho Shaqo oo wax ku ool ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxay  wada-hadallo la yeesheen Maal-gashadayaasha dhinaca Tamarta iyo Macdanta ee dalkaasi, si ay ugu soo bandhigaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo kheyraadka dihin ee Tamarka iyo Macdanta.

Wasiirka waxa qasriga boqortooyada ku qaabilay Mudane Sheekh Saud bin Saqr al-Qasimi, oo ah Golaha Sare ee UAE, Xubin ka tirsan Imaaraadka ahna Xaakimka Ras Al Khaimah.

Qaabilaada weftiga wasiirka ee Qasiriga Madaxtooyadda Imaaraadka ayaa daliil u ah xidhiidhka adag iyo wada shaqaynta mira-dhalka ah ee ka dhaxaysa Labda wadan ee Somaliland iyo Imaaradka.

Ujeedka safarka wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa daaran sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka ee dhinaca Tamarta iyo Macdanta, sidoo kale waxa ka mid ahaa ujeedooyinka safarkan sidii maalgashayadayaasha ee dalka Imaaraadka Carabta loogu soo bandhigi lahaa fursadaha ka jira dalka, si ay u  maalgashadaan.

Gaba’gabadii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa leh xidhiidh soo jireen ah uu ku tiirsan in la iska iskaashado dhinacyada dhaqaalaha, wax-soo-saarka, maalgashiga iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac.