Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Safar Shaqo oo Rasmi ah ku Jooga Sacuudiga

SUCUUDIGA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.