𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐁𝐚𝐚𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐡𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashigacaalamiga ah Rooda Jaamac Cilmi ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay tixgeliyaan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter) waxaannu u qornaa sidan:-

“Jiritaanka Somaliland wuxuu ahaa mid ka duwan oo gaar ka ah maamuladii kale ee Soomaaliya, waxana Somaliland ka hor iyo kadib markii ay madaxbannaanida ka qaadatay Inigiriiska ay ahayd mid jirtay oo iskeed u taagan.

Waxa kaloo muran ma doon ah 33kii sannadood ee u dambeeyay ee Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991kii. Somaliland waxay madaxbannaanayd waqti ka badan intii ay Soomaaliya kula jirtay midowga. Waxa JSL midowgaas kala kulantay faqooq, kala qaybin iyo dagaal dhaliyay xasuuq ay dawladdii Soomaaliya ku samaysay shacabka Somaliland.”

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibaddu waxa ay intaas ku dartay in boqolkiiba 75 bulshada Somaliland ay yihiin dhallinyaro da’doodu ka hoosayso 40 jir, taasina ay caddayn u tahay in inta badan jiilka cusubi ay garanayaan uun oo kaliya calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee akhtarka, cadaanka iyo casaanka iskugu jira, kaasi oo ah calaamad u taagan madaxbannaanida qarannimadooda kaasi oo ku dhisan rabitaankooda.

Wasiir Rooda Jaamac waxa ay ugu baaqday beesha caalamka inay xushmeeyaan xaqiiqada himilada Somaliland ku doonayso inay ku noqoto dal la aqoonsan yahay mar labaad ka mid noqda dawladaha adduunka.

𝐐𝐨𝐫𝐞: 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱