Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalaya Shirka arrimaha Maaliyadda iyo Deyn Cafinta

Washington DC-(WARSOOR)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Washington DC ayaa halkaasi kaga qeybgalaya Shirka arrimaha Maaliyadda iyo Deyn Cafinta kaas oo ay martigeliyeen hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka

Shirkaan oo socon doono muddo toddobaad ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimha mudnaanta u leh Deyn Cafinta, hannaanka Maaliyadda iyo dib eegista dhaqaalaha Adduunka.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xilliga deyn cafinta kadib.

Shirkaan oo lixdii biloodba mar la qabto ayaa waxa ka qeybgalaya madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Madaxda Bangiga Adduunka, Wasiirrada Maaliyadda Dalalka geeska Afrika iyo xubno sare oo ka kala tirsan hay’adaha Maaliyadda caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.

Soomaaliya ayaa bishii 13-kii December ee 2023-dii waxa laga cafiyay deymihii lagu lahaa, iyadoo hadda dib-u-habeynta Maaliyadda xoogga lagu saaro barnaamijka Deyn Cafinta kaddib ee loo yaqaan HIPC iyo ECF oo IMF iyo Bangiga Adduunka Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqaynayaan oo muhiim ah deyn cafinta kaddib.