Madaxweynihii hore JSL oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyay Gobolka Awdal

Borama – (warsoor) – Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka ayaa shalay safar ugu baxay gobolka Awdal, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay magaalooyinka Dilla, Xuunshalay iyo Boorama.

Boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Awdal ayaa  si ballaadhan u soo dhaweeyay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,  oo socdaal ku tegay magaalada Boorame.

Soo dhawaeynta Madaxweynihii hire ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayay soo dhawaeyntiisa gobolka Awdal ka qayb qaateen xubno ka mid ah golaha wasiirada,maamulka heer gobol iyo degmo ee Boram aiyo Awdal.

Madaxweynihii hore waxa lagu soo dhaweeyay jidka u dhexeeya degmooyinka Dilla ilaa Boorame oo ay safnaayeen dadweyne tiro badan oo u taagnaa soo dhaweyntiisa, halkaasi oo uu madaxwaynihii sadexaad  kula hadlay bulshada magaaladda Dilla oo uu uga waramay ujeedada safarkiisa uu gobolka ku soo gaadhay.

Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Dastuurka iyo Waxbarashada ayaa sheegay in Daahir Rayaale hoggaamintiisii JSL uu ku hantiyay taageerada ummadda reer Somaliland isla markaana uu yahay oday qaran oo dhex u ah dalka oo dhan.

Madaxweynihii saddexaad Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa u mahadceliyay shacbiga iyo madaxda heer degmo, gobol iyo wasiirrada xukuumadda ee sida weyn ugu soo dhaweeyay gobolka Awdal.

Mudane Daahir Rayaale wuxuu sheegay in talo wixii uu hayo uu u gudbin doono waxgaradka iyo ummadda reer Awdal, waxaanu intaas ku daray inuu la kulmi doona dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Weftigan ayaa intaasi kadib u gudbay magaaladda Boorama oo ay ku sugayaan kumaan shacab ah oo u taagan soo dhawaynta Madaxwaynaha iyo weftigiisa oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka Adwal iyo ka Degmada Boorama iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

madasha soodhawaynta waxaa hadalo kooban oo soo Dhawayn ah ka jeediyay gudoomiyaha gobolka Awdal, Maayirka Degmada Boorama oo si diiran u soo dhaweyay weftiga, kuwaasi oo Madaxwayne Rayaale ku ammaanay kaalintii muuqatay ee u uku lahaa hogaaminta dalka iyo aasaaska Dimuqraadiyadda dalka.

Dhankooda xubnaha golaha wasiiradda ee la socday weftigan ayaa sheegay in Daahir Rayaale Kaahin uu soo booqday bulshadiisa, si uu ula wadaago talooyin iyo tusaaleba wixii uu u hayo, waxaanay bulshada xasuusiyeen doorkii shariifka ahaa ee uu Madaxwayne Rayaale ka soo qaatay talada dalka iyo geedi socodka Dimuqraadiyada dalka.

Gaba-gabadii weftiga Madaxwaynaha ayaa waxaa loo galbiyay gudaha magaaladda Boorama oo ay ku sugnaan doonaan maalmaha soo socda, si ay kulamo ula yeeshaan labeenta gobolka Awdal.