Xukuumadda SL oo Shirkadda Korontada Hargeysa 80% ka iibisay Ganacsato

Xukuumadda Somaliland ayaa warshadda laydhka ee Hargeysa ee ay maamuli jirtay ku wareejisay ganacsato kaddib markii warshadaasi sidii loogu talo-galay u shaqayn wayday.

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, C/raxmaan Cabdullaahi Saylici oo ahaa guddidii maamuli jirtay warshaddan ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu daah-fureyey qaabka u shaqayn doonto warshadda cusub oo xukumadda iyo ganacsataddu wada yeelan doonaan si ay warshadda Laydhku sifiican ugu shaqayn lahayd.

“Maanta waxaynu halkan ku daah-furaynaa in warshadii Laydhka Dawladda ee Hargeysa  aynu u bedelayno hab wadaag ah oo Dawladda iyo dad ganacsato ahi ay ku midoobaan sidii loo horumarin lahaa adigaas, oo runtii rafaad badan lala soo maray” ayuu yidhi Saylici oo ka hadlayey qaabka loo qorsheeyey warshadda Laydhka Hargeysa.

Waxaanu intaas raaciyey “Markii dhib kasta dhacdo waxaa la raadiyaa xalkiisa,habkan wadaagu waa xal runtii loo helay hagaajinta adeega bulshada. Waxaa la isku gaynayaa dhaqaalihii gaarka loo lahaa iyo Awoodii maamul ee dawladda”

Madaxweyne xigeenka ayaa sheegaya inaanay ahayn in warshaddan ganacsadaha lagu wareejiyay faraha looga qaadayo balse lala maamuli doono, waxaanu  yidhi “Hawl lagu wareejiyay uun Ganacsato oo faraha looga qaadayo oo ay u madax banaan yihiin maaha ee waa hawl la wada leeyahay oo la wadaagayo”

“Xukumaddu markay hanaan ama nidaamdhan oo shaqaynayay  oo ama warshad ahaa ama wax kale ahaa ay awood ama dhaqaale u waydo waxay ku wareejisaa Ganacsato Illaahay dhaqaalaha siiyay oo ay tidhaahdaa meeshaa Kici” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xukuumadda ayaa  sheegtay in warshadda Laydhka saami ahaan u qaybsadeen ganacsato iyo xukuumadda, kuwaas oo kala yeelan doonna; 

xukuumadda=20%, halka 

Ganacsatadaha Maxamed Aw Siciid yeelan doono 35%, 

Dahabshiil group oo iyaduna yeelan doonta 35%, 

shirkada Xaamud Jibriil oo yeelan doonna 10%.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif oo ay warshadu hoos imanaysay, wasiirka dhalinyaradda Ciyaaraha, masuuliyiinta shirkadaha Dahabshiil iyo Maxamed Aw Siciid iyo xubno kale.

Xukuumada ayaa sheegtay in imika wixii ka dambeeya qiimihii laydhka hoos loo dhigi doono oo halkii ay wakhtigii hore ka ahayd 1$ laga dhigi doonna 0.5 cent dollar.

kolka danbena uu kasii hoos mari doono isla markaana noqon doono 0.3.

Cabdi  Ismaaciil  Dhakhtar 

Hargeysa, Somaliladn