Guddoomiyaha UCID oo Booqday Gabiley

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Xuseen iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay Magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley.

Ujeeddada socdaalka Guddoomiyaha ayaa la xidhiidhay abaal-marin iyo maamusid loo sameenayay Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horayn booqday xarunta Golaha Deegaanka Gabiley, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay, Maayirka Gabiley Mudane Maxamed Amin Cumar Cabdi iyo qaar kamid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Mudane Muhiyadiin Abdirahman Ali , waxaanu sheegay in ujeeddada socdaalka waftigu tahay, sidii loo siin lahaa Maayirka Gabilay Shahaado-sharaf.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka Gabilay, waxaanay sheegeen in shahaada sharaftu ay u tahay Golaha Deegaanka dhiirigalin iyo in ay waxqabadkooda sii libin-laabaan.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu ka maro-kacay waxqabad-ka golaha Deegaanka Gabiley, isagoo sheegay in Maayirka iyo golihiisa Deegaanku ay muujiyeen dadaal iyo wax-qabad.

Ugu dambayn, waxaa halkaasi ka hadlay Maayirka Degmada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, waxaanu u mahad-naqay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, shahaado-sharafta uu ku maamuusay, waxaanu sheegay in talaabadani tahay sunne wanaagsan oo uu Xisbiga UCID bilaabay, isagoo intaas-na ku daray in ka Gole Deegaan ahaan ay shahaadadani u noqon doonto dhiiri-galin.

Maayirka Gabiley Maxamed Amiin ayaa kamid ahaa xildhibaannadii kasoo baxay Xisbiga UCID.

Intaa kadib Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaa uu booqday, Jaamacadda Golis Faraceeda Gabiley iyo Warshada Roodhida ee gabilay, kadibna wuxuu ku nastay, kana qadeeyay Hudheelka Galoollay oo ku yaal badhtamaha Magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabilay.

Waxaa xusid mudan in Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu sidoo kale shaahado-sharaf ku maamuusay Mulkiilaha Hudheelka Galloolay, isagoo ku abaal-mariyay Maal-galinta ay ku sameeyeen Dalkooda iyo sida ay uga qeyb-qaateen Horumarka Dalka.