WHO iyo UNICEF oo baaq u diray waalidiinta Soomaaliyeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – War-saxaafadeed ay soo saraeen Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Carruurta (UNICEF) ayaa waalidiinta iyo daryeelayaasha carruurta ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku dhiirrigeliyey in ay hubiyaan in dhammaan carruurta ay da’doodu ka yar tahay shan sano laga tallaalo cudurka dabeysha inta uu socdo olole tallaal oo guri walba lagu booqanayo, kaas oo bilowdey axadii oo socond-doona ilaa 23ka September.

War-saxafadeedka ayey labada hay’adood waxay shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelayaasha kula taliyeen in muddada afarta maalmood ah ee uu ololuhu socdo ay u hoggaansamaan tallaabooyinka caafimaad iyo kuwa badbaado ee looga hortagayo COVID-19.

Taladan ayaa timid waqti ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo faafidda cudurka dabeysha ee hadda ka dillaacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Nooca cudurka dabeysha ee hadda jira ayaa ka duwan kan loo yaqaanno wild poliovirus, oo dhowaan lagu dhawaaqey in laga cirib-tirey Afrika.

“Sida keliya ee aan ku joojin karno faafidda noocan ah ee cudurrada tallaalka looga hortegayo, oo uu ka mid yahay cudurka dabeyshu, waa in la tallaalo ilmo kasta markasta oo adeegyada tallaalka la bixinayo, haddii adeeggaasi uu yahay barnaamijyada tallaalka joogtada ah ama haddii uu yahay ololayaasha ballaaran ee kan oo kale ah. Dhammaanteen waxaa ina saaran mas’uuliyad ah in la gaaro ilmo kasta oo Soomaaliya ku nool si kor loogu qaado difaaca jirkiisa. Sababo la xiriira gaaritaanka, amniga iyo hab-dhaqanka soo-doonashada daryeelka caafimaadka, ayaa waxaa sanad kasta innaga hoos baxa tiro aad u badan oo carruur ah, oo aan heleynin tallaaladan nafta badbaadiya,” ayaa uu yiri Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya.

Muddada uu ololahan socdo, ayaa 6,266 tallaal-bixiye oo ka hawlgala degaannada magaalooyinka ah iyo 2,685 tallaabo-bixiye oo ka hawlgala degaannada miyiga ah ay tegi doonaan albaab walba si ay u tallaalaan 1.65 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseysa shan sano iyaga oo siinaya tallaalka cudurka dabeysha ee afka laga qaato.

“Waxaa muhiim ah in dhammaan tallaalada joogtada ah la sii wado, gaar ahaan inta uu socdo cudurka dunida oo dhan ku faafey ee COVID-19,” ayaa uu yir Werner Schultink, oo ah Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Dadaalladan lagu tallaalayo carruurta ayaa ka hortegi doona in cudurku uu marar kale dillaaco waxaana ay carruurta ka ilaailn doonaan cudurro dilaa ah si ay u badbaadaan ayna u bulaalaan.”