Xildhibaano ka Tirsan Golaha Guurtida oo Kormeeray Xarumaha laamaha Dawladda Berbera

Hargeysa – (warsoor) – Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo hawlo shaqo u joogay gobolka Saaxil ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xarumaha laamaha dawladda ee Berbera.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u kuurgalayeen sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee hay’addaha dawladda, waxaana ka mid ahaa xarumihii ay booqdeen Dekedda Berbera, maxjarada xoolaha, iyaga oo kulan la qaatay maareeyaha Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera, wuxuuna xildhibaan indhi-indho u mahadceliyey masuuliyiintii kala duwaneyd ee ay la kulmeen.

Isaga oo intaas raaciyey in magaalada Berbera ay tahay goob shaqo, isla markaana ay hay’addaha dawladdu si wanaagsan u shaqeynayaan, wuxuuna si gaar ah u bogaadiyey guddoomiyaha gobolka oo uu sheegay inuu si wanaagsan u soo dhaweeyey isla markaana uu kormeerka gobolkana ku wehelinayey.

Sidoo kale, maareeyaha Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera Xasan Ibraahin (Ambasi) oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey xildhibaanadaas kormeerka ugu tagay, isla markaana ka warbixiyey hawlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna xusay in kormeerku muhiim u hayey shaqada qaranka.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, oo u mahadceliyey xildhibaannada ka socday golaha guurtida Somaliland, isla markaana bogaadiyey masuuliyiintii kala duwaneyd ee ay kormeerka ugu tageen xafiisyadooda oo uu sheegay in ay gudanayeen waajibaadkooda qaran.

Waxa kormeerkani qayb ka ahaa xughaya gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan.