Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo Ku Kulmi Doona dalka Turkiga

Kulankii ugu horreeyey intii uu dagaalku bilowday, ayaa wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Ruushka iyo Ukraine ay isku arki doonaan dalka Turkiga.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa goor dhoweyd oo isniinta maanta 7 Maarso ah xaqiijisay , in 10 ka bishan Maarso ay Sergey Lavrov iyo Dmytro Kuleba ku kulmi doonaan magaalada antalya ee dalka Turkiga. Labada wasiir ayaa halkaas kaga qaybgalaya kulanka golaha diblamaasiyiinta.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadole ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeeda Mawluud Shaawis Oglo ka soo xigatay in in labada wasiir ay ku heshiiyeen in ay kulan doceed yeeshaan inta ay joogaan kulanka golaha diblumaasiyiinta.