Wasiirka arrimaha Dibedda Turkiga ayaa ku dhawaaqay kulan saddex geesood ah oo ay wada yeelan doonaan Turkiga,Ruushka iyo Ukraine

TURKIGA – (WARSOOR) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku dhawaaqay shir saddex geesood ah oo uu la yeelanayo Ukraine iyo Ruushka shirkan oo lagu qaban doono madasha diblomaasiyadda ee Antalya dabayaaqada toddobaadkan.

โ€œKulankan waxaan ku qaban doonaa qaab saddex geesood ah magaalada Antalya maalinta Khamiista ee 10-ka Maarso,โ€ ayuu yiri Mevlut Cavusoglu,isaga oo muujiyay rajo ah in kulanku uu noqon doono isbedel iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaado dhanka nabadda iyo xasilloonida.

Dagaalka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukrain ayaa waxaa si weyn uga carooday beesha caalamka, iyadoo Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka iyo qaar kale ay cunaqabateyn dhaqaale oo kala duwan ku soo rogay dalka Ruushka.

In ka badan 1.5 milyan oo qof ayaa ka qaxay Ukraine una qaxay dalalka dariska ah, sida ay sheegtay hayโ€™adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.