Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL oo Qaabiley Wakiilka JSL U Qaabilsan Hay’adda FAO

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha JSL Mud, Cali Xasan maxamed Ayaa Xafiiskiisa Kulan kula Qaatay Wakiilka JSL U Qaabilsan Hay’adda FAO Abdul Kariim Bah iyo Madaxa isku Duwidda Hawlaha Dag-degga Ah Axmed Maxamed.

Kulanka Waxa Lagaga Wada Hadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dhinac iyo U Diyaar garawga Abaaraha.

Kulankan Waxa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ku Wehelinayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta