Kal-fadhigii 77-aad ee Golaha Guurtida oo la Muddeeyay Wakhtiga uu Fumi doono

Hargeysa – (WARSOOR) – Kal fadhigii 77-aad Β ee golaha guurtida Somaliland ayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho maalinta sabtida ee toddobaadka fooda inagu soo haya u furmaya Β si rasmiya.

Waxaa mudanayaasha lagu wargeliyay in ay wakhtiga dhawraan oo ay soo dadaalaan, isla markaana ay fadhiga ka soo wada xaadiraan.

Waxaana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxday xarunta golaha guurtida oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee golahaasi garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi.

Waxaana lagu yihdi.β€œDhammaan mudanayaasha golaha guurtida waxa la ogeysiinayaa in uu furmi doono Kal-fadhigii 77-aad ee golahaasi, maalinta sabtida ee bishu tahay 4/12/2021 marka saacadu tahay 9:00-ka subaxnimo haddii EEBE Qadaro.

Hadda waxa la idinka codsanayaa mudanayaal in aad wakhtiga dhawrtaan haddii ILLAAHEY yidhaaho, oo aad soo dadaashaan”