Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo Casuumay Sheekha Caanka ah ee Cabdirashiid Cali Suufi

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maamuusay Sheekha Caanka ah ee Cabdirashiid Cali Suufi iyo wefti Culimo ah oo uu hogaaminayey,Wasiirka ayaa Quraac ugu sameeyey Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi iyo Culimadii la socotey Hotel Emperial, iyagoo halkaas isku xog-waraystay.

Wasiirka ayaa Casuumadda ka dib sheekh Cabdirashiid Cali Suufi iyo Weftigii Culimada ahayd ee la socotey ku soo dhoweeyey Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Wasiirka ayaa sheekha uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimi, sidoo kale Wasiirka ayaa uga waramay Sheekha Xaalada guud ee Somaliland, taasoo ay kaw ka tahay Nabadgelyada buuxda ee Jamhuuriyadda Somaliland ka jirta.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa Sheekha ku ammaanay dacwada, isagoo Wasiirku intaas ku daray sida ay Xukuumadda iyo Culimadu uga wada shaqeeyaan dana guud ee Somaliland iyo wanaaga, iyadoo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland soo dhowayso sanadkasta, kana qayb gasha shirka ay isugu yimaadaan Culimada Tabliiqa.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Albaani Xuseen, ayaa isna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uga mahadnaqay Casuumadda iyo soo dhowaynta uu u sameeyey Sheekha Caanka ah ee Cabdirashiid Cali Suufi iyo Weftiga Culimada ah ee la socda Sheekha.

Ugu danbayntii Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, ayaa u mahadnaqay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale Sheekha ayaa ku ammaanay Somaliland, Nabadgelyada iyo waxyaabaha badan ee wanaagsan ee ka socda Somaliland, isagoo sheekhu u duceeyey dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ba.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Albaani Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan Gurey, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Bulshada iyo Shaqo Gelinta Mustafe Cali Bille, Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil iyo masuuliyiinta kale oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.