Golaha Guud ee QM oo shir deg-deg ah ka yeelanaya xaalada Ukraine

QM – (WARSOOR) – Waxaa lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ay 10-ka Bishaan shir deg deg ah ka yeeshaan xaaladaa kajira dalka ukraine iyo qabshadii sharci darrada aheyd ee uu ruushku ku galay dalkaasi Ukraine.

Shirkan ayaa waxaa codsaday dalalka Ukrine iyo Romania kadib markii dowladda Ruuska ay diiday qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyay aftidii “sharci-darrada ahayd ee Ruushka uu taageeray ee lagu doonayay in lagula wareego qaybo ka mid ah bariga dalka Ukraine.

Guud ahaan 193 xubnood oo ay ka kooban yihiin Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodi doona la wareegida afar gobol oo Yukreeniyaan ah , sida Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson, taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa dhawaan  dalbaday in Ruushka laga saaro dhammaan ururada caalamiga ah, waxaana baaqaas taageeray dalalka midowga yurub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay u gudbiyay qaraarka ka dhanka ah ruushka.