Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland oo sheegay in Guddoomiyaha UCID La tiigsan waayo Maxkamad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradada Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in isaga iyo Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha UCID ay isla tegi doonaan Maxkamadaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe, laga rabo in uu Maxkamadda horteeda ka caddeeyo musuq-maasuqa uu ku eedeeyay.