Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay, Raalli Gelina Siiyey Dadka Aragga Naafada Ka Ah

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay, Raalli Gelina Siiyey Dadka Aragga Naafada Ka Ah Oo Cabasho Muujiyey

“Kulankani Wuxuu Ka Dhashay Cabashadiinnii, Waana Aanu Idinka Raalligelinaynaa, Horena Umay Dhicin In Marnaba Qof Masuul Ahi” Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan hadhimo-sharafeed ah ku casuumay xubno kamid ah bulshada aragga naafada ka ee ku dhaqan dalka Somaliland.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ujeeddadiisuna ahayd sidii ay madaxweynaha iyo xubnaha dadka aragga naafada ka ahi si saraaxad leh isugu xogwaraysan lahaayeen, islamarkaana uu madaxweynuhu raalligelin kaga bixinayey cabasho ay dadkani ka muujiyeen munaasibad ay ku xusayeen maalinta wacyigelinta USHA CAD ee adduunka oo aanay kala soo qaybgelin munaasibad ay ku casuumeen, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, la-taliyaha madaxweynaha ee naafada, xubno kamid ah dadka aragga naafada ka ah iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo dadka aragga naafada ka ah, islamarkaana lagu hogo-tusaalaynayey xidhiidhka toolmoon ee ay xukuumaddu la leedahay dadka aragga naafada ka ah.

Ugu horrayn La-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca Naafada, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka hadhimada ah ee uu ku casuumay dadka aragga naafada ka ah, waxana uu sheegay in xidhiidhka ay xukuumaddu la leedahay guud ahaanba dadka naafada ahi uu yahay mid awood badan oo si buuxda u shaqeeya.

Guddoomiyaha ururka Indhoolayaasha, Mudane Mahdi Muuse Jaamac, guddoomiyaha ururka dhegoolayaasha, Mudane Mustafe Maxamed Cismaan iyo marwo Hinda Muxumed Caqli oo kamid ah dadka aragga naafada ah oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si isku mid ah madaxweynaha ugaga mahadnaqay kulanka is xogwaraysiga ah ee uu u sameeyey, islamarkaana ay ka bulsho ahaan si dhaw uga warqabaan kaalinta madaxweynaha ee u naxariisashada iyo u damaqashada dadka naafada ah.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafka, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, ayaa isaguna soo dhaweeyey kulanka madaxweynaha iyo xubnaha aragga naafada ka ah, waxana uu halkaas ka caddeeyey inay xukuumaddu si buuxda u garab taagan tahay guud ahaanba dadka naafada ah, isaga oo ballan qaaday inay xukuumaddu dhabarka u ridanayso kharashaadka ku baxa dadka aragga naafada ka ah ee is guursada, islamarkaana ay wasaaraddiisu furayso dugsi si lacag la’aan ah Qur’aanka iyo diinta lagu barayo dadka naafada ka ah aragga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gebogebaayey, ayaa soo dhaweeyey dadka aragga naafada ka ah ee uu casuumay, waxana uu tilmaamay in kulankani yahay mid uu kaga falcelinayo cabasho ay dadka naafada aragga ka ahi ka muujiyeen munaasibad ay ka maqnaadeen masuuliyiintii ay soo casuumeen, isaga oo si buuxda arrintaas uga raalligeliyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Kulankani wuxuu ka dhashay cabashadiinnii, waana aanu idinka raalligelinaynaa, horena umay dhicin in marnaba qof masuul ahi wixii ay ka codsadaan dadka baahiyaha gaarka ah qabaa inuu kari waayo mooyaane inuu fadhiga uga kici waayo, diinta, dadnimada iyo dhaqankaana taas ina faraya, warka oo isa seeg-seegay mooyaane waxad ku calool fayoobaataan inaanay jirin dad masuuliyiin ah oo shirkaa aad qabsateen idin diiday.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas ka caddeeyey inuu si buuxda ugu baraarugsan yahay muhiimadda ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin guud ahaanba dadka naafada ahi, islamarkaana ay ka madaxweyne ahaan ka go’an tahay inuu dhegaysto tabasho kasta oo ka timaadda dhinacooda, wixii awooddiisa ahna uu diyaar u yahay inuu jawaab ka bixiyo.