Wasiirka Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Heya’adda Nadra

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay hey’adda NADRA ee ka shaqeysa diiwaangelinta dadweynaha iyo arrimaha aqoonsi sameynta.

Shirkan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Caydaruus Macali Xasan,agaasime ku xigeenka, ahna sii hayaha madaxa hey’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM) Marwo Fahmo Xaaji Maxamuud, mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta iyo Villa Somalia ayaa waxaa lagu falanqeeyey warbixin qiimeyn ah oo ay soo diyaariyeen guddiga farsamo ee dowladda taas oo la xiriirtay shaqada NADRA, iyada labada dhinac la isdhaafsaday wixii fikrado ah, laguna ballamay in lasii wado ambaqaado kulamo kale.