Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar oo khadka Telefone-ka ku wada hadlay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad,ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, Intii uu socday wadahadalka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal ee iskaashiga wada shaqayn leh iyo sidii loo horumarin lahaa.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo mida  gobolka.