Hargaysa – (warsoor)- Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL ee Mudane Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa Maanta Shir Jaraa,id oo uu ku qabtay Xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha Kaga hadlay Dadka kasoo horjeeda Horumarinta Mashaariicda Dalka.
Wasiirka Ayaa sidoo Kale Digniin u Diray Cuqaasha iyo madax dhaqameedka dalka kuwaasi oo uu sheegay inay inay hormuud u yihiin nabada isla markana dawladu ku ixtiraantu iyaguna tix galin muujiyaan inaan maanta kadib loo adkaysan doonin caaqil colaad aloosaya lagana saari doono liiska cuqaasha.
Dhinaca Kale Mudane Wasiir Jamac Cabidillaahi Biin waxaa uu sheen in warbaahinta lagaga hadli karo wixii tallo iyo toosina ee ay ka reeban tahay kicinta dadka iyo ka shaqaynta dad isku dirku.
This post is also available in:
Somali