Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo kulan la qaatay Gudida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Gudida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulan ayaa ku saabsanaa wada shaqaynta Gudida Qandaraasyada iyo Maayarada Dalka ee dhinaca bixinta Qandaraasyada, iyadoo kulamo danbe loogu balamay hawlaha wixii qabyada ah.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.