“ Waala joojiyay, Haddana habeen iyo maalin Tuugo ayay ku soo galaysa” wasiir Shukri Baandare

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda degaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in bacaha si toogo ah dalka lagu soo galiyo.

Wasiirku waxa ay bulshaweynta reer Somaliland, ugu baaqday in ay meel uga soo wada jeestaan sidii dalka looga dabar’goynlahaa keenista bacda, oo ay xustay in halis badan ay degaanka ku hayso.
Dhanka kale waxa ay qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka codsatay in ay kaalin weyn ka qaatan sidii dadka loogu baraarujinlaha in ay bacdu qayb ka tahay nabadguurka dhulka.
Marwo Shukri oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi.“Bacdi weynu arkayna, waala joojiyay, waala joojiyay, haddana habeen iyo maalin tuugo ayay ku soo galaysa, dukaanada ayaa lagu iibinayaa, meel walba waa lagu iibinaya bakhaarada ayay taala.