Gudoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda somaliland oo Booqday Magaalada Berbera

Berbera – (WARSOOR) – Gudoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda somaliland
MD : Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo qaar kamida xildhibaanada laga soo doortay gobolka SOOL ayaa gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Gudoomiye khaliif ayaa magaalada berbera kaga qaybgali doona tartanka horyaalka horyaalada somaliland oo maanta garoonka Cabdalla Stadium Berbera ay ku balansan yihiin kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan SOOL, iyo kooxda ciidanka booliska ee Goodir Hargeisa.

Khaliif iyo xildhibaanada laga soo doortay gobolka SOOL waxa dhiirigalingalin ugu tageen kooxda ka socota gobolka laga soo doortay.
Warbaahinta Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland