Taliyaha Ciidamada Soomaaliya oo sheegay inuu Shacabka garab taagan yahay

S/Gaas, Indha Qarshe, ayaa intaa raaciyay inay soo dhoweynayaan Shacabka is-xilqaamay ee meel walba kula dagaallamaya cadawga, isla maraakaana go’aansaday inay iska Dul-qaadaan dulliga ay Ummada ku hayaan Argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna intaa raaciyay taliyuhu iyaga oo ka faa’iideysanaya dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay isaga celinayaan cadawga in ay Laba jibbaaraan dagaalladii iyo howl-galkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo ballanqaaday inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Shacabka.

“Waxaa xaqiiqa ah oo aan dareennay annagoo CXDS ah in meel walba wax laga soo sheegayo, oo Shacabka Soomaaliyeed uu kacay oo is-xilqaamay ,oo u adkaysan waayay dhibaatada ay Shacaka Soomaaliyeed ku hayaan, oo ay u diyaar garoobeen inay iska dhacshaan”,ayuu yiri taliyuhu.

Taliye, Indha Qarshe ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed uu qorshahiisu yahay in Sanadka 2019-ka inta ka dhiman ay Dalka oo idil ka xoreeyaan Kooxda nabad-diidka Al-Shabaab oo Ummada ku haya dhibaatooyin ba’an.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahanba dedaallo xooggan ugu jiray in ay iska dhiciyaan, dagaallo Hubeysanna kala hor tagaan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dil, boob iyo dhac kala duwan u geysta Bulshada ku nool degaannada ay ku dhuumaalaystaan Argagixisada.

Xigasho: Sonn

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.