Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Heshiishkii Shirkaddaha Gaarka Loo Leeyahay ay ku Samayn Jiray Liisamadda, Wadda-marista iyo Baasaboorka

Hargeysa – (warsoor) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa soo saartay wareegto wasiir oo lagu joojiyey in dib loogu cusboonaysiiyo shirkaddihii ay dawladdu heshiis kula gashay inay sameeyaan baasabooradda, liisamadda, wadda-marista iyo buugga dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Md. Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa wareegtaddan ku yidhi, “Waxaan go’aamiyey in la burburiyey heshiisyaddii ku taariikhaysnaa 01/07/2014, 01/01/2016, iyo 15/11/2017 ee lagu wareejiyay daabacaada documents-ka leh qiime lacageed: Liisamadda Wadista gaadiidka “Somaliland ID Card Publishers”, stickers-ka Wado Marista iyo Cusboonaysiinta Liisamadda “Sahal Global Solution” iyo Buugga Dhaqdhaqaaqa Gadiidka “Global Tech Solution”. In aan la cusboonaysiinayn heshiisyaddii ku taariikhaysnaa 19/11/2013 iyo 01/11/2011 ee lagula jiray shirkadaha daabacadaha Baasabooradda “Horn Africa Facility Management” daabacaadaha cashuurta ku dhajinta “Moon Light Company”, maadaam heshiiskoodu dhacay, laguna wareejiyo daabicistii baasabooradda iyo cashuuraha ku dhejinta Madbacadda Qaranka. In Madbacadda Qaranka Lagu wareejiyo gabi ahaanba Daabicistii Documentskii lahaa qiimaha lacageed, si sharciga waafaqsan daabicistiisii gacanta-ku-hayntii iyo Qalabkii lagu daabacayeyba sida ka lagu daabacayey buugga Dhaqdhaqaaqa gaadiidka “GTS” iyo ka lagu daabacayey liisamadda waddista Gaadiidka “SICP”.

Wasiir Yuusuf Maxamed ayaa ugu dambayn amray in Wasaaraddu la wareegto dhamaan hawlahaasi ay qabanayeen shirkaddahaasi gaarka loo leeyahay, laguna wareejiiyo Madbacadda Qaranka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.