Soomaaliya oo ka qeybgashay kalfadhiga 68-aad ee Qaramada Midoobay

Muqdisho – (WARSOOR) – Wafdi ay hoggaamineysay siihayaha wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha JFS ahnawasiirudowlahawasaaradda, Marwo  Aamina Xassan Ali ayaa saaka ka qeybgalay kal-fadhigiisa 68-aad ee shirweynaha Arrimaha Haweenka Adduunka,kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Shirka ayaa looga hadlay doorka haweenka ay ku leeyihiin bulshada, kaalinta ay ka qaataan horumarinta dalalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhiirigalinta iyo kor u qaadidda aqoonta haweenka.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha JFS ayaa maalmahaan booqashooyin shaqo ku joogay dalal ay kaid yihiin Turkiga.