Ciidanka Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Soo Dhigey Eedaysane Jiidhay Hooyo Umul ah

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah , Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa.

Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta kusoo dhigay Edeysaneaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qaybsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo.
انا لله وانا اليه راجعون

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.