Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Hormoodka Siyaasiyiinta Xisbigii UDUB iyo Masuul Iska Casilay WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Somaliland ee KULMIYE, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey siyaaasiyiin ka mid ahaa hormoodka xisbigii UDUB iyo xubno ka mid ahaa xisbiga WADDANI oo iska casilay.

Xaflad bilan oo xisbiga KULMIYE ku soo dhaweynayey bahweynta ku soo biirtay oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubnaha hoggaanka sare iyo kaadirka xisbiga, garabyada haweenka iyo dhallinyarada iyo siyaasiyiinta cusub ee xisbiga ku soo biiray oo ay ka mid yihiin; Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Nuux Axmed Cismaan, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Axmed Maxamed Filanwaa, siyaasi Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, xildhibaan hore Ismaaciil Mire Maxamed, Sacad Sheekh Cabdiraxmaan, Naasir Qallinle iyo Mujaahid Xasan Ganey, halka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo isagu ka mid ahaa Guddiga Fulinta ee xisbiga WADDANI uu halkaasi ka shaaciyey inuu ka baxay xisbigaasi, kuna soo biiray xisbiga KULMIYE.

dsc_0278-jpg002

Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumaddii xisbigii UDUB Md. Axmed Xaaji Daahir, ayaa iftiimiyey inay waxqabad iyo kaalmo dhinac walba ah kula soo biireen xisbiga KULMIYE, “Maanta bahweyn baanu xisbiga KULMIYE ku soo galnay, waanu diidnay inaanu shakhsi-shakhsi, qolo qolo, gobol gobol, degmo degmo iyo reer hebel ku nimaadno, waxaannu ka doorbidnay inaanu reer Somaliland ahaan ugu soo biirno, umaanu iman hunguri, laakiin anigu halkan waxaan ku ballanqaadayaa inaan maanta jeegga ugu horreeya oo shan kun oo dollar ah aan u dhiibo Guddoomiyaha KULMIYE,” ayuu yidhi Md. Axmed Xaaji Daahir.

dsc_0278-jpg009

Siyaasiga Ismaaciil Mire Maxamed oo hore uga tirsanaan jirey xildhibaannada aqalka Wakiillada Somaliland, kana mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa xisbigii UDUB, ayaa isaguna caddeeyey inay cudud xoog leh oo aqoon iyo waayo-aragnimo la xidhiidha ku soo kordhin doonaan xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaannu yidhi “Annagu wixii khibrad iyo aqoon ah ee aannu bah ahaan leenahay ayaanu KULMIYE ku xoojin doonnaa, cidhiidhsanna maynee waanu u shaqaynaynaa si uu xisbigu xisbi bahweyn ah u noqdo, tacab culusna waan dhiibi doonaa gaar ahaan anigu.”

dsc_0278-jpg010

Sidoo kale, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka mid ahaa xubnaha ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa si mug leh u sharraxay inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan xisbiga, waxaanu hoosta ka xarriiqay inay dhaqaale iyo karti diyaar ula yihiin xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, haatanna ka mid ahaa Guddiga Fulinta ee xisbiga WADDANI, ayaa isaguna shaaciyey inuu gabi ahaanba ka baxay xisbigaasi, una soo digo-rogtay KULMIYE, waxaannu yidhi, “22 bilood markaan ka mid ahaa xisbiga WADDANI waxaan ogaaday in dadkii deegaannada aan u dhashay u badan yihiin xisbiga KULMIYE, qof keligii socon karaana ma jiro oo waa inuu dad wataa, waxaanan xisbiga WADDANI uga soo wareegay inaan ku biiro xisbigii aan horeba uga midka ahaa ee KULMIYE ee uu aasaasay Madaxweyne Siilaanyo, haatanna uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.”

dsc_0278-jpg015

Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, ayaa iyaduna si kooban dhaweysay hormoodka cusub ee xisbiga ku soo biiray, waxaanay sheegtay inay yimaadeen meel aan cidina ka lahayn oo loo siman yahay.

dsc_0278-jpg016

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa isaguna xusay inay siyaasiyiinta haatan la midoobay xisbiga KULMIYE si mug leh uga baareen degeen go’aankooda, isla markaana waqti sax ah shaaciyeen, “Siyaasiyiintani waxay odoroseen oo garteen inay ka faa’iidaystaan fursadda siyaasadeed ee xillligan jirta, waxaanay qarsoonaayeen muddo lix sanno ah iyagoo maanta aqoonsaday inay mowqifkooda muujiyaan oo ku soo biiraan xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi Xasan Siciid.

dsc_0278-jpg017

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi mar labaad ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo madasha ka hadlay, ayaa si furan u soo dhaweeyey siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga KULMIYE ku soo biiray, isagoo hoosta ka xarriiqay in taasi marag u tahay in bulshadu dhinaca KULMIYE u midoobayso, waxaannu yidhi, “Haddaanu nahay xisbiga KULMIYE waa maalin qiime weyn nagu leh inaannu halkan ku soo dhaweyno kaadirkii xisbigii UDUB, in maanta ay ummadda oo dhami KULMIYE isugu timaado, dalka iyo dadkan meesha aynu rabno aynu gaadhsiino, maskaxdeenaa iyo muruqeenana aynu isku geyno si aynu qaran midaysan u noqono oo aynu himiladeena uga midho dhalinno.”

dsc_0278-jpg003

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo xafladda soo xidhay, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey xubnaha cusub ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE, isagoo uga mahadnaqay dardarta iyo heellanaanta ka muuqata, “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE waxaannu si kal iyo laab ah usoo dhaweynayaa bahweynta kamidka ahaan jirtey xisbigii UDUB, waxaannu si rasmi ah u shaacinayaa inay leeyihiin xuquuqda xubin kasta oo xisbiga KULMIYE ka mid ahi leeyahay, waana rag soo tashaday oo sheegay inay arrin iyo adduunba diyaar la yihiin oo dhismaha xisbiga diyaar la yihiin, ragga halkan joogana midna ilama faqin, midna maanu gorgortamini ee ay iskood u yimaadeen, annaguna tixgelin iyo qaddarin baanu u haynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu ka hadlay siyaasadda horumarinta ee xisbiga KULMIYE u qorshaysan inuu ku horumariyo dhaqaalaha, wax-soo-saarka iyo kor-u-qaadista cilmiga dhinaca xirfadaha ee bulshada oo uu ku tilmaamay inay qayb libaax ka qaadan karaan horumarinta nolosha mujtamaca iyo isku filnaanshiyo Somaliland gaadho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.