Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Furtay Dhagaysiga Dacwadda Labada Garab ee Xisbiga UCID

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa maanta furay dhagaysiga dacwadda u dhaxaysa labada garab ee ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe iyo ee Musharax Jamaal Cali Xuseen.

Fadhiga ay maanta yeelatay maxkamadda sare oo ay ka soo qayb-galeen 11 Garyaqaan, qareenadda labada garab, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo taageerayaashiisa iyo musharaxa madaxweynaha ee UCID iyo taageerayaashiisa.

gudoomiyaha_maxkamadda_sare_aadan_xaaji_cali

Gudoomiyaha maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u furay dhagaysiga dacwadda u dhaxaysa labada garab ee xisbiga UCID. Gudoomiye Aadan ayaa yidhi, “Dhacwad ayaa halkan inooga furmaysa, sidaa arkaysaan waxaa inoo galayaa fadhi buuxa oo maxkamadda sare ah ama maxkamadda dastuuriga ah qaybta Ijaariga ah oo uu gudoomiyihii maxkamadda sare uu hogaaminaayo. Markaa wuu inoo furan yahay fadhigu, waxaanan imika ku soo dhawaynayaa rafcaan laha”, sidaasi waxaa yidhi Garyaqaan Aadan Xaaji.

Halkan ka daawo fadhigii maanta oo dhamaystiran oo aanu ka soo xiganay Channel-ka Maal channel:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.