Xildhibaanada Gudi-hoosaadka Arimaha Dibada Golaha Wakiilada JSL oo Finland

FINDLAND – (WARSOOR) – Wefti ka kooban xildhibaanada gudi hoosaadka arimaha dibada ee golaha wakiilada JSL ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Helsinki ee dalka Finland, halkaas oo ay si heer sare ah ugu soo dhoweeyeen Jaaliyadda Somaliland oo ay hogaaminayso wakiilka Somaliland ee dalka Finland marwo Saamiya Muuse.

Xubnaha maanta soo gaadhay waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka gudida xildhibaan Maxamed Jaamac (Raambo), xildhibaan Xuseen Ismaaciil iyo la-taliyaha gudidda cabdirisaq Ibraahim. Waxaana la filayaa inay xubnaha kale ee waftigu iyaguna ku soo biiri doonaan sida gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha wakiilada mudane Cali Xaamuud iyo gudoomiyaha gudi hoosaadka maxamed jamac koodbuur. Wafdiga oo safar shaqo u yimid, waxay kulamo iyo shirar la qaadan doonaan baarlamaanka Finland, wasaarada arimaha dibada, hayadaha iskaashiga caalamiga iyo deeq-bixiyayasha iyo saraakiil ka tirsan maalmulka caasimada Helsinki, sidoo kale waxay Kulan gaar ah la qaadan doonaan jaaliyada Somaliland ee Dalka finland