Horjoogayaasha Al-Shabaab ka soo baxsanaya oo isa soo taraya

Muqdisho – (WARSOOR) – Deeq Cabdi maciin oo magaciisa Af-graashada kooxda Al-Shabaab uu yahay β€œShiino” ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku sugnaa aagaga dagaalka koonfurta gobolka Mudug.

Deeq oo soo goosashadiisu laga joogo muddo saddex bil ah ayaa wareysi gaar ah uu siiyay warbaahinta Qaranka wuxuu ku sheegay sababta ku khasabtay inuu maleeshiyada Al-Shabaab ka soo baxsado, wuxuuna AlShabaab u qaabilsanaa sameynta aaladaha qarxa (Miinooyinka).

Deeq Cabdi Maciin oo muddo labo ilaa iyo saddex sano ka mid ahaa nabad-diidka Al-Shabaab ayaa tilmaamay inuu qaatay mudadii uu kooxdaas ka tirsanaa tababaro ku saabsan sida miinooyinka dhulka loogu aaso looguna dhagro shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in muddo kooban uu ka mid ahaa jabhadaha dagaalka ee maleeshiyada.

β€œ Wallaahi waxaa igu dhaliyay baahi badan oo aan arkay, adigoo reerkaadii, ubadkaadii iyo dadkaada aadan ka war qabin oo afar iyo labaatan saac duurka ku jira iyo inaadan ku dhiiran Karin oo aadan dhihi Karin aniga waxaa rabaa inaan reerkeyga soo eego oo waqti la soo qaato,” ayuu wareysigiisa ku sheegay Deeq Cabdi Maciin Shiino.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in falalka guracan ee Al-Shabaab diinta islaamka sal iyo raad toona ku lahayn,islamarkaana ay si cad u baneysteen dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo bilooyinkii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ka soo baxsanaya ee isku soo dhiibaya ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyntii, Sarkaalkan isa soo dhiibay oo ku dhashay gobolka Mudug ayaa ugu baaqay maleeshiyada wali baaqiga ku sii ah Al-Shabaab in ay ka soo baxaan.