Sicir-bararka ka jira waddanka xaggee ayuu ku qotamaa?

  1. Sidda aynu wadda ogsoonahay shirkadda DP WORLD ee la wareegtay addeeg bixinta dekadda Berbara ayaa waxay soo rogtay sharciyo cusub oo ku waajahan addeega dekadda. Sidda in alaabooyinka dekadda ka soo degga oo lagu soo rogay in dhammaantood lagu soo dejiyo koontiidharo. Haddaba; culaysyadaa ay DP WORLD saartay ganacsatada iyaguna waxay u sii wareejiyeen dadka shacabka ah.
  • Marka wax-soorayaasha ( Supplliers) lagu kordhiyo lacagta addeeg bixinta dekadda iyaguna waxay sameeyaan inay lacagtii lagu kordhiyay isku dhaafiyaan dadka shacabka ah ( Price transfer). Qiimaha ay kordhiyaan ganacsatadu waxa uu waxyeelaa dadka shacabka ah iyadda oo ay meesha ka baxdo inay dadku helaan addeegyada aasaasiga ah ( Basic Needs),
    oo dadka qaar ay awoodi waayaan inay sadddexda waqti si joogta ah u helaan.
  1. DP WOLRD oo kordhisay lacagta addeeg bixinta dekadda ayaa sababtay inay ganacsatadii yar-yaraa ay kacaan ( shut down) – taas oo sababtay inay horseedo shaqo la’aan baahsan, maadaama ganacsatada yar-yar ( small businesses) ay ku tiirsanaayeen dad badani. Dawladuhu waxay u jiraan ayaa ah inay ilaaliso ganacstada, si aanay qiimaha ugu kordhin dadka isticmaalayaasha ah ( Comsumers).
  2. Waxa iyana sixir-barar kale ah nidaamka canshuur bixinta ee lagu soo rogay ganacsatada ee loo yaqaan Value Added Tax ( VAT). Inaynu nidaam ahaan la jaan-qaadno dunida way fiican tahay, laakiin marka aynu eegno dhaqaalaha waddankeenna iyo duruufaha jira nidaamkan canshuureed waddankeenna culays buu ku yahay, iyadda oo ay jiraan sababahan.
  3. Canshuurta la saaray ganacstada, waxay saamayn wayn ku jeelaynaysaa isticmaalayaasha ( Consumers). Ganacsatadu waxay culayska canshuurta isku dhaafiyaan istimaalayaasha ( Burden Tax).
  4. Ganacsatada hore waxa looga qaadayay canshuuro dhawr ah. Sidda canshuurta sanadlaha ah ee dawladaha hoose qaadaan, canshuurta liisanka ganacsiga ee wasaaradda ganacsigu qaado iyo canshuurta ay wasaaradda maaliyadu qaado.

W/Q Cabdirashiid Saleebaan

Xoghaye xigeenka Ganacsiga

Xisbiga WADDANI